Video:-Hir-Shabelle oo si xoog leh usoo dhawaysay diyaaradaha Qaadka ee usoo wareegay Jowhar

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta hiddaha iyo dalxiiska Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Hirshabeelle ay soo dhoweyneyso ganacsatada dooneysa inay maalgashadaan Hirshabeelle lana macaamilaan dowlad goboleedka.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in dhowaan la dhamaystirayo dayactir lagu sameynayo dekeda Ceel-Macaan iyo garoonka diyaaradaha Cisaley.

Haddii ay suurtogal noqoto in dib loo howlgaliyo dekeda dabiiciga ah ee Ceel Macaan ayaa waxa ay dhabarjab ku noqon kartaa dhaqaalaha ka soo galaya dowlada federalka dekeda Muqdisho,iyadoo ka soo dejinta qaadka magaalada Jowhar maanta ay dowlada Federalka ku weyday kumanaan dollar oo hore ugaga soo xeroon jirey canshuurta qaadka.

 

Halkan ka akhriso war saxaafadeedka:-

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka