Video:-Madaxweyne Camey”Buuhoodle hawadeeda Puntland ayaa xukunta”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa faahfaahin ka bixiyey diyaarad ku wajahnayd Buuhoodle oo lagu amray inay Garoowe soo cagadhigato.

Eng Camey ayaa sheegay in diyaaraddaasi aysan wax ogaysiin ah siin Puntland, taasina ay sababtay inay ku amraan inay Garoowe soo cagadhigato si baaritaan loogu sameeyo.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyey diyaaradda kadib markii la ogaadey inay gargaar ka keentay Maraykankana ay u fasexeen deegaamadii ay ku socotey.

Dhanka kalena madaxweynaha ayaa tilmaamay in u jeedkoodu uusan ahayn siyaasadaynta gurmadka abaaraha laakiin waajib ka saran yahay sugidda ammaanka iyo xitaa bad qabka gargaarka lakeenayo dalka,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad