Video+Sawiro:-Madaxweyne Axmed madoobe oo dib Kismaayo ugu soo laabtay

Axmed Maxamed Islaam  Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah halkaas oo Safar shaqo maalmahan uu kaga maqnaa.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay Safar shaqo oo maalmahan uu ugu maqnaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan shirkii wadatashiga ee Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkaas uu guul kusoo dhamaaday isla markana uu ahaa kii u horeeyay ee ay yeeshan Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada dhexe oo wax umada u dan ah lagaga hadlayay gaar ahaan Arimaha isku dhafka Ciidamada Nabadgalyada iyo iskaashiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlada Jubbaland wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in wax wanaagsan ay kasoo baxaan shirarka lagu heshiisinayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna oo hada dadaalo arintaas la xiriira ay Muqdisho ka socdaan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka