War deg-deg ah:-Daawo Weerar ka dhacay dalka faransiiska

In this image made from video, police attend the scene after an incident on the Champs-Elysees with Arc de Triomphe in background in Paris, Thursday April 20, 2017. French media are reporting that two police officers were shot Thursday on the famed shopping boulevard. (AP Photo)

Askari boolis ah ayaa toogasho lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay badhtamaha magaalada Paris, sida ay sheegeen booliska Faransiisku. Wararkuna waxay intaa ku dareen in ninkii dableyda ahaa ee askarta toogtay isna markii dambe la dilay.

Champs Elysees oo ah goobta toogashadu ka dhacday ayaa boolisku xidheen. Ilaa haatanna lama sheegin ujeedada weerarkan.

Weerarkani wuxu dhacay iyadoo musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada dalku ay doodoodii ugu dambaysay ee Telefishanka ku dhex maraysay ka qayb galayeen ka hor maalinta codbixinta loo dareerayo oo ah Axadda soo socota.

Arimaha doodda ba’ani ka taagantahay ayaa waxa ka mid ah mitidnimada Islaamiyiinta, ka dib markii weerarro baaxad lahaa oo dalka ka dhacay ay sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamku.

Weriyaha BBC-da Hugh Schofield oo ku sugan xarunta Faransiiska ayaa ku soo waramaya in ilaa haatan aanay jirin wax cadaynaya in weerarkani ahaa fal argagixiso, laakiin Champs Elysees oo ah goob dunida aad looga yaqaano oo dalxiiseyaal badani yimaadaan ayaa beryahaba laga baqayey in ay bartilmaameed noqoto.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay booliska yaa ku warantay in weerarku ahaa isku day dhac hubaysan ahaa.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka