Ciidamada amaanka oo baaritaano ka wada Gaalkacyo kadib dilkii Gaandi

Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa wada baaritaano kale duwan oo lagu baadi goobayo kooxihii gaystay falkii lagu dilay Allaha ha u naxariistee Axmed Xasan C/raxmaan Gandi oo ahaa sarkaal katirsan ciidamada amaanka iyo ilaalada madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Marxuumkan ayay kooxo hubaysan ay ku toogteen magaalada Gaalkacyo fiidnimadii xalay.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay dad badan inay usoo xirxireen falkaan iyagoona wali wado baaritaano falkaasi dilka , sida ay ku warameen saraakiisha amaanka.