Diyaaradihii qaadka oo laga joojiyay Garoonka diyaardaaha Jowhar in ay ka degaan

Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaaradihii qaadka waday ee maalmihii lasoo dhaafay ka degay garoonka Magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu  wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah  ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.

“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto,Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Magaalada Jowhar ayaa maalmahan waxaa ka soo degaayay diyaarado wada qaad kuwaas oo markii hore qaadka ka dejin jiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaana wali taagan muranka dhinaca qaadka ee udhaxeeya wasaaradda maaliyadda iyo Ganacsatada qaadka iyadoo uu kusoo biiray Maamulka Hirshabeelle.