Boqorka Sacuudiga oo shaqadii ka cayriyay wasiirkiisii shaqada shaqaalaha

Boqor Salman ka Sacuudi Carabiya ayaa dib u soo celiyey gunnooyinkii la siin jiray shaqaalaha dawladda iyo ciidanka dalkaas ee laga gooyey bishii Sebtember ee sannadkii hore, markii dalku qaatay tallaabooyinka lagu dhimayo kharashaadka dawladda sababtuna ay ahayd sicirka saliidda oo hoos u dhacay.

Sidoo kale qaraaro boqortooyo oo uu soo saaray boqorku ayuu xilkii kaga qaaday wasiirkii shaqada waxaanu amar ku bixiyey in la baadho in wasiirku ku takri falay awoodda xafiiskiisa iyo in kale.

Qaraarada kale ee uu soo saaray Boqorku waxa ka mid ah inuu dan jirihii dalkiisa u fadhiyey Maraykanka ku bedelay wiilka uu isagu dhalay ee Amiir Khalid.

Boqorku waxa kale oo uu amar ku bixiyey in la abuuro xarun nabad sugidda qaranka ah oo toos u hoos timaadda xafiiska boqorka.

Askarta gunooyinka dheeraadka ah la siiyey waxa ka mid ah ciidamada ku sugan furinta dagaalka xulufada Sucuudigu hogaaminayaa ka wadaan dalka Yemen oo la siin doono laba bilood mushaharkood oo dheeraad ah.