Ciidamada Difaaca Puntland oo Qarax lagula eegtay Buuralayda Galgala

Wararka laga helayo Galgala Buuralayda Ciidamada Difaaca Puntland ay kala dagaalamaan argagixisada Alshabaab,ayaa sheegaya in lala beegsaday mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee ciidamada difaaca Puntland,kaasoo marayey xiliaga qaraxa lla eeganayo mid kamid ah wadooyinka Galgala.
 
Ilaa hadda lama xaqiijiyin khasaaraha ka soo gaaray ciidamada difaaca Puntland.
 
Saraakiisha ciidamada difaaca dawladda Puntland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday ka hadlida qaraxan, waxayna sheegeen in ay war ka soo saari doonaan.
 
Kooxahan Argagixisada ah ayaa marar badan falalka noocaan oo kale ah ka fuliya Buuraleyda Galgala, xili ay ciidamada dawladdu si adag ula dagaalamaan, loogana guuleystay dagaalka tooska ah.