Madaxweyne farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo oo ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka magaaladaasi gala lagu arkayay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyo Wasiirka gargaarka iyo arrimaha beni’aadanimada Marwo Maryan Qaasim Axmed waxayna kulamo la qaadan doonaan Madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, waxaana socdaalka Madaxweynaha la xariirtaa u kuur galidda xaaladda amaan iyo mida beni’aadanimo ee ka jirto Koonfur Galbeed.