Sawiro:-Ciidamada jubaland oo diyaar garawgii ugu danbeeya ku jira iyo Madaxweyne Axmed madoobe oo kormeeray

 
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin Ciidamada qalabka sida waxaana uu Kismaayo u jiraa 45 KM.
 
Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay Ciidamadu halkaas ku leeyahiin waxaana uu Warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo Hogaanka Ciidanka ee halkaas ku sugnaa waxaana uu kulan gaar ah oo lagaga hadlayay Abaabulka Hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo Al-Shabaab uu la yeeshay Sarakiisha isagoo intaas kadibna ku dhiiri galiyay in ay ka qayb qaatan gurmadka abaaraha gaar ahaan in ay caawiyaan dadka Barakacayaasha ah ee ku nool deeganka maadama ay dhibaatadii Argagixisada ka dulqaadeen.
 
Dhamaan Ciidamada Dowlada ayuu Madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtan ah ay leeyahiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay Amaan ugu seexan lahayeen Hooyooyinka iyo Caruurta Soomaaliyeed.
 
Mushaarka iyo Daryeelka Ciidanka ayuu xusay Madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana Askari walba oo ka tirsan Darawiishta uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.
 
Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in farqiga Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab u dhexeeya uu yahay in ay Shabaab doorteen dhibaataynta dadka aan waxba galabsan halka Ciidamadu ay biyaha iyo daawada la daba joogan oo ay kaalmaynayaan.
 
Ciidamada Tababaradu ay usocdaan marka ay dhamaystaan layliga Askarinimo ayuu xusay Madaxweynahu in la bilaabayo hawlgalkii ugu danbeeyay oo Al-Shabaab lagaga xoraynayo Gobolka marka hawshaas ay fushana ay ku dadaali doonan sidii Soomaalida kale gacan looga siin lahaa dabar jarka Argagixisada.