Video:-Doorashadii Faransiiska oo goor dhawayd bilaabatay

Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa saaka u dareeray in ay u codeeyaan madaxweynahooda xigga, ayadoo si weyn loo adkeeyay guud ahaan ammaanka dalkaasi.

Ku dhawaad 50,000 oo boolis ah iyo 7,000 oo milateri ah ayaa la geeyay goobaha codbixinta ee Faransiiska oo dhan, si ay ammaanka u sugaan.

Kow iyo toban musharrax ayaa u tartamaya madaxtinnimada dalkaasi, waxaana wareegga labaad u gudbi doona labada ugu codka badnaata doorashada maanta dhacaysa.

Afar ka mid ah musharraxiintaasi ayaa hadda u muuqda kuwa ugu cadcad, waxaana ay kala yihiin, François Fillon oo hogaaminaya xisbiga muxaafadka ah, Marine Le Pen oo hogaamisa xisbiga National Front, Emmanuel Macron iyo Jean-Luc Mélenchon.

Musharraxiinta ayaa afkaar kala duwan ka aaminsan arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Yurub, muhaajiriinta, dhaqaalaha iyo heybta Faransiiska.

Ammaanka dalkaasi ayaa la adkeeyay ka dib markii uu maalmo ka hor dhacay weerar uu nin boolis ah ku dhintay, kaasoo uu fuliyay Karim Cheurfi, oo la rumaysan yahay in uu taageersanaa ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka