Video:-Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Xubno katirsan labada Golle ee dowlada ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay , ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaana lasoo dhoobay wadooyinka magaalada kuwaa oo si weyn u adkeenaya amaanka inta uu Madaxweynaha joogo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Masuuliyinta kale ee la socda ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhab

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka