Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo toogatay Afar nin oo Alshabaab ah

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qarax dad badan lagu laayay oo sanadkii hore ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Xukunka dilka ah ee ragan saakay lagu fulia ayaa ka dhacay fagaare kuyaala magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka haaa goobta uu dilku ka dhacay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed , Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo saraakiil kale.

Afarta nin ee saakay Xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Aadan Mursal , C/ladiif Macalin Aadan C/raxmaan , Siyaad Xassan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, Maxkamada ayaana sheegtay in raga lagu helay dambigii ay ku eedeesnaayeen.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa horey sidan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay rag lagu soo eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayna ka dambeeyeen dilal iyo qarxayo dad shacab ah lagu dilay.