Labadii Diiq ee Dirirayay iyo Gallaydhka

Labadii Diiq ee Dirirayay iyo Gallaydhka

Waxaa jirey laba Diiq oo deyrbeereed qudha ku wada noolaa oo aan indhaha iska qaadi karinnin. Kama dambeeyntii dharaar ayay isku boodeen oo gafuurka iyo ciddiyaha isla dhaceen oo si ba’an u dirireen. Waxay dirirtu socotay ilaa midkood dhulka la dhigey oo dabadeed midkii laga taag roonaaday inta baxsaday oo gurguurtay ayuu meel cirif oo gees ah ku dhuuntay.

Kii bartii is-hardigu ka dhacay ku itaal roonaaday ayaa u duulay dhakada sare ee aqaldigaagga oo si kibir iyo isla weyni ku jirto isu qaadqaaday oo baalasha gargaraacay oo intii taagtiisa ahayd dhawaaq dheer yeedhey, si uu adduun weynaha ugu tebiyo guusha uu gaadhay. Hase ahaatee, Gallaydh hawada dusha sare duulayay ayaa tookhii Diiqa maqlay oo inta uu hoosta isu soo ganay ayuu bartii ka dhufsaday oo buulkiisii la tegey.

Kii la looltamay ayaa falkii dhacay daawanayay. Cirifkii uu yuururay ayuu ka soo kacay oo kobtaas mudanihii deyrbeereedka ku noqday.

Kibir kor kuuma qaado ee waa ku kadalloobiyaa