Maxaa Deeqa Bulshada Dal-udug? WQ; Axmed Cabdirisaaq Raajucuun

Maxaa Deeqa Bulshada Dal-udug?
WAXAA QOREY; Axmed Cabdirisaaq Raajucuun. Nairobi, Kenya.
Mudada labaatanka sano ku dhow ee Bulshada reer Dal-udug ay ahaayeen kuwo Maamulo & Madax kala dambeeyay ay soo mareen waxay ahayd mid ay ka heli karaan khibrad ku filan, oo ay ku ogaadaan waxa ay tahay baahidooda dhabta ahi.
Waxaa xaqiiq ah in aanay maanta hayn waayo-aragnimo yari ku kalifta in bulshadu kala sooci wayso waxa danta u ah & waxa dalaw ka ridaya, oo muddadaa dheer & maamuladaa kala dambeeyay waxa aanu ka dhaxalnay khibrad nagu filan oo ah dhaxal gal, ayna tahay inaan si weyn uga faa’iideysano. Waxa aan dhamaanteen ogsoonahay in dhaqaalo yari, shaqo la’aan, amni xumo & jahwareer siyaasadeed kujirno, waxaase aanan isweydiin xaggee nooga yimaadeen dhibaatooyinkaani? Yaase ina dhaxalsiiyay? Sideese looga bixi karaa?
Sida dhamaan Aadamuhu uu isla qiray bulsho aan lahayn ila dhaqaale oo ku filan oo dhamaanteed aanay haysan wax daboola baahiyaheeda aasaasigaa ma hesho Amni, Xasilooni Siyaasadeed, Shaqo Abuur mana kobco Dhaqaalaheedu, waana tan kaliftay in maamulka madaxweyne Gaas u weeciyo badi dhaqaalihii wadanka soo galay & deeqihii saaxiibada Dal-udug horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Dhibaatooyinkaan waxay nooga yimaadeen madaxdii hore oo aan u lahayn dhaqaalaha aqoon durugsan, aanna ahayn kuwo ku xiran caalmka intiisa kale & sida tartanka dhaqaale abuuris ee dunida ka jiraa u weyn yahay. Waxaa na dhaxalsiiyay dhibkaan waa musuq baahsan oo jirey kaasoo lagu lunsaday dhamaan wixii wax lagu qaban lahaa, waxaana looga bixi karaa in dhamaan dhibaatooyinkaas aan soo xusnay meesha laga saaro.
Maamulka madaxweyne Gaas wuxuu garowsaday in dhibaatooyinka jira oo laga dhaxlay maamuladii asaga ka horeeyay ee aan himilada sii durugsan lahayn looga bixi karo in bulshada loo sameeyo kaabayaal dhaqaale oo dunida casriga ah la jaan qaadi kara, si dalku u noqdo mid ku haboon maalgashi oo ay fududahay isu socodkiisu.
Wuxuu Madaxweynuhu garowsaday in haddii la helo Kaabayaal Dhaqaale oo casri ah laga faa’iideysan karo Soomaaliya inteeda kale & wadamada dariska ah, waayo waxaa ay Kaabayaasha Dhaqaalaha ee casriga ahi yareeyaan laba wax oo muhiim u ah Ganacsatada oo kala ah Mudada & Kharashka. Markii ay dhamaan mashaariicda lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale soo dhamaadan waxaa xaqiiq ah in dhibka maanta taagni aanu jiri doonin, oo la noqon doono bulsho haysata Amni, Xasilooni Siyaasadeed & Shaqo Abuur baahsan, waxaase loo baaahan yahay in la dulqaato oo lala garab galo madaxweynaha howsha adag ee uu ku jiro & himiladiisa.
Mashaariicda lagu kobciyo dhaqaalaha ee wadamada dariska ahi waa ay dhaafeen Garoomo Diyaaradeed & Wadooyin Gawaari oo waxa ay marayaan Khadad tareen oo casri sida midka isku xira Itoobiya & Jabuuti ee la dhameystiray, midka isku xiraya Kiinya, Ugaandha & Ruwaandha oo hadda qeybtii kowaad oo ku eg magaalada Nayfaasha la dhameystiray qeybtii kalana la bilaabay oo soconaysa ilaa magaalada xadka dhacda ee Malaba, halkaas oo Ugaandha kasii bilaabi doonto ayna gaarsiin doonto xadka ayada & Ruwaandha si halkaas ay uga sii wado Ruwaandha.
Waxaa kaloo ka mid ah midka la filayo in uu isku xiri doono Tanzaaniya & Burundhi, dhamaan mashaariicdaasi waxay ku tusayaan baahida dhaqaaluhu u qabo in uu helo KAABAYAAL DHAQAALE oo casri ah & fikirka saliimka ah ee madaxweyne Gaas EEBE haka ajarsiiyee.
Ugu dambeyntii aynu noqono dad isku duuban oo aanay dhexdooda oolin wax kala qoqob ah isla markaana ilaashada xasiloonidooda, si ay u fududaato hirgelinta Mashaariicda socota & helista dhaqaale kuwo hor leh lagu fuliyo.
Aynu noqono dad garanaya dhibkii shalay haystay & sida qorshaha saxan ee madaxweyne Gaas meesha uga saarayo oo aanu dib dambe usoo laabanayn.
Markasta aynu ogaano waxaa wax lagu noqdaa danta oo la garto & dowladda oo lala shaqeeyo lana bogaadiyo waxa ay qabatay, qabanayso & himilada durugsan ee ay leedahay.
Axmed Cabdirisaaq Raajucuun