Video:-Camey oo niyad jab xoog leh ka muujiyay barnaamijkii horumarinta magaalooyinka ee JLPG

????????????????????????????????????
Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ,ayaa maanta daahfuray shirka horumarinta magaalooyinka ee loo yaqaan JLPG.
 
Camey oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa niyad jab ka muujiyay gaabis xoog leh oo ku yimid hirgalka barnaamijkan ee sanadihii lasoo dhaafay.
 
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey, ayaa xusay in 2014-kii ay Puntland ka heshay deeq bixiyayaasha caalamka sideed milyan oo dolar,balse waxii ka danbeeyay sanadkaas ilaa iyo maanta aysan waxba ka helin,waxuuna xusay in hada muranba ka taagan yahay dhaqaalihii lagu maalgalinayay barnaamijkaas,iyadoo doodu hada taagan tahay waxaan idin haynaa afar milyan oo dolar,,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka