Video:-Madaxweyne farmaajo oo lagu casumay Dabaal dega guushii Erdogan ee codbixinta Turkiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa Turkiga aadaya kadib maalin un markii ay Ankara sheegtay in 10 Milyan oo Dollar ay ku kabi
doonto miisaaniyadda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka booqashada Madaxweynaha ee Turkiga ayaa ka dhalatay wada hadaladii labada Madaxweyne ee
todobaadkii hore khadka taleefanka ku dhex maray, kaddib markii Turkiga uu afti u qaaday wax ka bedelka dastuurka dalkaas oo awoodo dheeraad siinayay Madaxweyne Erdogan.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Turkiga ay noqon doonto mid sii xoojisa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii 5aad oo dal dibadda ah uu ku tago Madaxweyne Farmaajo, tan iyo markii xilka loo
doortay horaantii bishii February,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka