Dhagayso:-Dawlada maraykanka oo joojisay qabqabashadii Somalida ee suuqyada

Hay’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida inay joojinayaan qabqabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.

Laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington.
Warqaddan ayaa la xiriirta Soomaalida laga masaafurinayay dalka Mareykanka.
 
Warqadda ayaa waxaad ku qornaa in laanta socdaalka Mareykanka ay joojisay qab qabashada Soomaalida sharci la’aanta ku jooga Mareykanka oo maalmihii lasoo dhaafay la qab qabanay.
 
Laamaha amaanla Mareykanka ayaa 4,800 oo Soomaaliyeed ah gacanta ku dhigay waxaana ay doonayaan in ay dib ugu celiyaan Soomaaliya.
 
Laantu ma sheegin waxa ay ka yeeleyso dadkaas hadda u Xir xiran waxaana ay xustay in ay joojisay qabqabashada Soomaalida Mareykanka ee aan sharciga heysan.

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in hay’addu ay ka jawaabeysay cabasho ay safaaradda Soomaaliya iyo sharciyaqaanno arrintan kala shaqeynayay ay u gudbiyeen hay’adda, taasoo ku aadan inay u muuqdaan inay si gaar ah Soomaalida u bartilmaameedsanayaan,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka safiirka