Qaab qoraaleedka magaca Gobolka Banaadir oo wax laga badalay

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku faray Waaxyaha kala duwan ee dowladda inay wax ka bedel ku sameeyaan qaab qoraalka Banaadir.
 
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu uu isku bedelay xarfaha A iyo E. magaca “Banaadir”, kaasoo dhamaan waaxyaha dowladda Hoose la faray inay adeegsadaan “Benaadir”.
 
Wareegatada oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu faray in dhamaan waaxyada kala duwan ee dowladda hoose Xamar ay wixii hadda ka dambeeya adeegsadaan qaab qoraaleedka “Benaadir”