Video:-Daawo shirkii jaraa’id ee Madaxweynayaasha Somaliya iyo Turkiga

Labada Madaxweyne ayaa qaatay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal, Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo  ayaa xaaladda abaaraha iyo midda guud ee dalka uga warramay dhiggiisa Turkiga, waxa uu ka mahadceliyey dadaallada dowladda iyo shacabka Turkiga ay uga qeyb-galaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga,Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku faraxsan yahay, isla markaana labada dowladood ay  mar walba ka wada shaqeyn doonaan sidii horumar iyo degnaasho loo gaarsiin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, dowladda Turkiga waxa uu sheegay in aysan marnaba ka daali doonin howlaha horumarinta iyo dhismaha ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa jiri doono heshiisyo iyo wada hadallo kale oo si rasmi ah u dhexmari doona Soomaaliya iyo Turkiga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka