Dhagayso:-Camey”Puntland wada hadal iyo wada xaajood lama yeelan doonto kooxaha Argagixisada ah iyo cid kasta oo katirsan kooxda la baxday Saaciduuna Bil Xaq”

Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa shir jaraaid ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee garowe.

Shir saxaafadeedkan oo ay kala qaybgalay Madaxweyne xigeenka Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Howlaha guud, Gaadiidka,ayuu kaga dhawaaqay go’aan kama danbays ah oo Puntland ay ka qaadatay Ururka cusub ee Saaciduun bil Xaq.

Camey ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in aysan marnaba Puntland wada hadal iyo wada xaajood la yeelan doonin kooxaha Argagixisada ah iyo cid kasta oo katirsan kooxda la baxday Saaciduuna Bil Xaq.
 
Madaxweyne xigeenka Puntland Eng Camey meesha ka saaray shaki laga muujiyay hadal ay dhawaan baahiyeen Gudoomiyaha Gobolka Nuugaal iyo Talyaha la dagaalanka argagixisada,kaasoo ay ku sheegeen in ay wada hadal la galeen xubno kamid ah Ururkaas oo ku sugnaa Garowe.hoos ka dhagayso codka Madaxweyne xigeenka,hoos ka dhagayso codka camey.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Camey