Habargidir oo wada qorshe ay isbaaro ugu dhiganayso dhismaha Ciidanka qaranka Somaliya !!

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xarunta Villa Hargeysa kulan gaar ah kula qaatay Gudoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Difaaca iyo Arimaha Gudaha Baarlamaanka.
 
Kulankan ka dhacay Villa Hargeysa ayaa ku saabsanaa su’aalo Ra’isul Wasaaraha laga weediinayay qorshaha dhismaha ciidanka Qaranka, oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka kasoo horjeesteen kana keeneen mooshin.
 
Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka ayaa dood ka keenay qorshe dhawaan lagu heshiiyey kaas oo daba socdey heshiis hore oo dhacay sanadkii 2015 oo ahaa in in la dhiso 18000 oo askeri oo isku dhaf ah oo laga kala keeno maamul goboleedyada si siman.
 
Xildhibaanada ayaa ku doodaya in ciidamadan nidaam qabiil lagu dhisaayo, in ay dalka dagaal gelin doonaan iyo wax la mid ah.
 
Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoonka iyo gudiyada Barlamaanka u sharaxay qorsha ku aadan dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya . Kheyre ayaa Xildhibaanada u sheegay in qorshahan uu ahaa mid muddo soo socdey ciidankan ay noqon doonaan kuwo la isku dhafo kadibna loo kala qaybiyo xeryihii ciidanka ee jirey Xiligii Dowladdii hore ee Multeriga.
 
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka codsaday Xukuumada Soomaaliya in Baarlamaanka hor keento faah faahino ku saabsan qorshaha dhismaha ciidanka qaran iyo sugitaanka amaanka, waxaana la filayaa in Wasiirka Gaashaandhiga hortago Baarlamaanka una faah faahiyo.
Dhanka kale xildhibaanada diidan qorshaha dib u dhiska ciidanka qaranka ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Gobolada dhexe ama beesha habargidir,kuwaasoo sababaha ay ku diidan yihiin qorshahan ay ka danbayso dano beeleed ee aysan ahayn dan guud oo somaliyed.