Video:-Israa’iil oo garaacday garoonka diyaaradaha ee Dimishiq

Qarax weyn ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka caalamiga ah ee Dimishiq ee dalka Suuriya. Qaraxaasi waxaa xigay dab xoog leh oo goobta ka kacay, mana jira ilaa iyo hadda wax war ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dabkaasi. Waxaana sidoo kale wali caddeyn waxa sababay qaraxa.

Telefishinka Al-Manar oo ay leedahay kooxda Shiicada ah ee Xusbullaah ayaa ku warramay in qaraxaasi uu ka dhashay duqeyn ay Israa’iil ka dambeysay.

Wasiirka sirdoonka Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in duqeyntaasi looga gol lahaa ka hortagida in kooxo argagaxiso ah hub lagu wareejiyo.

Wasiirka oo wareysi siinyay raadiya uu leehay ciidanka Israa’iil ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah u xaqiijiyo inay dowladiisu ka dambeysay weerarkaasi.

Balse waxa uu sheegay in xukumaddu ay xaq u leedahay inay fuliso weerar markasta oo loo baahdo.

Marar badan ayay Israa’iil duqeysay bartilmaameedyo gudaha Suuriya ah iyadoo garaacday waxa ay ugu yeertay ‘shixanado hub ah oo loo waday kooxda Xusbulaah’.

Xusbullaah oo dagaal la gashay Isra”iil sanaddii 2006 ayaa waxay muddo dhowr sano ah ka barbardagaalameysaa dowladda Suuriya

Isra’iil ayaa u aragta in hubka ay Xusbulaah ka hesho gudaha Suuriya ay khatar ku yihiin ammaankeeda,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka