Video:-Farmaajo dib usoo laabtay sheegayna in uu guul kusoo dhamaaday booqashadisii Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaamineyey ee booqashada ku tagay dalka Turkiga ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
 
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Ankara ee xarunta Dalka Turkiga waxa uu Madaxweynuhu la kulmay dhigiisa Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
 
Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka qaybgalay shirkii Madaxda Afrika iyo Turkiga ee Wax soo saarka Beeraha ee ka dhacay dalka Turkiga, waxayna booqashadan ay labada dal u aheyd fursad ay ku xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya.
 
Madaxweyne farmaajo ayaa mudadii yarayd ee uu xilka hayay galay safaro door ah oo intooda badan aysan soo hoyin wax guul ah oo la taaban karo,,safarkan ayaa ah mid aan wax badan ka duwanayn kuwii hore marka laga saaro soo dhaweyn maqaabkeedu sareeyo oo ay Dawlada Turkigu ku maamustay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka