Madaxweyne Gaas iyo waftigisii oo la filayo in ay maanta garowe kasoo dagaan

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigisii ayaa saacado kadib waxaa laga sugayaa Magaalada garowe ee caasimada Puntland.
 
Madaxweynaha oo qorshuhu ahaa in uu shalay kasoo dago Magaalada Gaalkacyo ayaa ka baaqday.
 
Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta Garowe uga gudbi doona dhanka Degmada Eyl oo uu ka dhagax dhigi doono wadada isku xiri doonta Eyl iyo Garowe ,taasoo laga dhigi doono wado laamiya oo casriya.
 
Madaxweynaha ayaa sidoo kale isla maanta u safri doona dhanka Gobolka Mudug ,gaar ahaan magaalada Gaalkacyo,
 
Gaas ayaa Galkacyo ka dhagax dhigi doona dhismaha Garoon cusub oo casriya oo diyaaraduhu isticmaali doonaan.
 
Madaxweyne Gaas ayaa maalmahan ujoogay itoobiya hawlo shaqo iyo ka qaybgal shirar caalamiya oo lagu casumay Puntland.