Sawiro:-Waa sidee xaalada nololeed ee Jasiirada Juwaay ee Jubaland ?

Halkani waa #juwaay waa Jaziirad ku taala xeebaha Jubada hoose waxay u dhawodahay Magaalada Kismaayo
maanta mar an booqday waxan ku arkay sawiradaan idinmuqda oo ah in Guri kasta uu ka taagan yahay #Calan

durba waxaa maskaxdeyda kusoo dhacay suu’aalo badan oo ah waa maxay #Calamadan oo mid mid u eg uusan jirin

waxan weydiiyay mid ka mid ah odayaasha Deegaanka Waxaa uuna ii sheegay in ay #Calamadani dadka deeganka ay taagtaan Maalmaha Farxada

Maantana Waxa jaziirada Xariga laga jarayay Biriij cusub oo dadka jaziirada ay Doomaha oga soo Degaan Xiliyada Ay Bada Buuxdo

Marka Waxan is iri Jaziiradaan Maa Magaceeda loo Bixiyo #Calamada.