Video:-Hanjabaadii Trump oo fashilantay iyo Kuuriyada Waqooyi oo markale tijaabisay Gantaal kale

Kuuriyada waqooyi ayaa gantay gantaal kale oo ah nooca Ballistica , Saacado uun kaddib markii xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka Rex Tillerson uu ku baaqay in si adag loo wajaho xukuumada Kim Jong-un.

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in tijaabada gantaalka Kuuriyada Waqooyi uu guul daraystay ,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Madaxweyne Trump ayaa isna ka hadlay gantaalkan ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi, Waxaana uu sheegay in taasi ay ixtiraam daro ku tahay wadamada gobolka, gaar ahaan dalka Shiinaha.

Tillerson oo ka hadlayay xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada Middoobay ayaa sidoo kale ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii caalamka uu ku guul dareysto in uu tallaabo ka qaado Kuuriyada Waqooyi.

Balse dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka soo horjeestay in talaabo milateri loo adeegsado xukuumada Pyongynag, Waxaana ay ku baaqeen in wadahadalada ku aadan arrintaasi dib loo bilaabo.

Arrintani ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriyada Waqooyi, kaasoo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inuu doorbidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed, Balse ay adag tahay in laga guul gaaro,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka