Video+Sawiro:-Madaxweyne Axmed Madoobe oo markale tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan daraawishta Jubaland

Kismaayo,idilnews,Iyadoo ay qayb ka tahay dadaalka ay Dowlada Jubbaland ugu jirto xoraynta Dalka ayuu Maanta mar kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam tababar usoo xiray Ciidamo katirsan kuwa Darawiishta oo Tababar kala duwan indhawaale ku qaadanayay Magaalada kismaayo.
 
Ciidamadan oo ka kooban qaybo kala duwan ayaa waxaa kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska, Ciidamada Lugta, iyo kuwa gadiidka.
 
Ciidamada Kumaandooska ayaa goobta kusoo bandhigay xirfadooda is difaacista shaqsiga ah iyadoo Ciidamada kalana ay geedo ka ciyaar iyo xubka culus munaasabada kusoo bandhigeen.
 
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Ciidankan iyo kuwa Qaranka oo isku dhaf ah ay maanta laga bilaabo diyaar u yihiin xoraynta deeganada maqan ee Jubbaland wuxuuna sheegay in aysan jirin awood hor istaagi karta maadama awooda Al-Shabaab ay aad u wiiqantay.
 
Ciidamada ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay naftooda u huraan Qaranooda iyo dadkooda iyagoo ka hor leexinaya Argagixiso caalami ah oo xalaashatay dhiiga dadka Islaamka ah.
 
Bulshada ku nool deeganada ay ku sugan yihiin Kooxaha nabad diidka ah ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan wiilashooda diyaarka u ah in ay cadawga ka kor qaadan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka