Warkii udanbeeyay ee Roobka iyo Deegaamada Puntland

Roobab wanaagsan oo ay ku diirsadeen duunyada ay abaartu samaysay ayaa ka da’ay deegaano kala duwan oo kamid ah Gobalada Karkaar, Bari,iyo Haylan 24 Saac ee ugu danbeyey.
 
Gobalka Karkaar waxa uu ka Da,ay Magaalada Qardho, Bandar Bayla, Dhuudo, Rako, Xubeys, Meygaag, Qodxan, Sarmaan iyo Deegano kale.
 
Gobalka Bari, waxa sida oo kale ka Da,ay Roobab iyadoona gobalkaasi uu ahaa dhulka ay Reer guuraga ugu badan ay ku soo hayaamen, Degmada iskushuban, Balidhidin iyo Deegano kale ayaa lasheegay in Roobab fiican oo dadku ku diirsadeen ay qabteen.
 
Dhinaca kale Gobalka Haylan ayaa ka mid ahaa dhulka ay Roobabku qabteen mana jirin wax khasare ah oo ay Roobabku gesteen inta la,ogyahay .
 
 
Roobabka gu’ga ee ka bilowday degaamadda qaarkood, oo xiligan si weyn loo sugayay ayaa waxaa la sadaalinayaa in uu si xoog leh u da’o maalmaha soo socda.