Video:-Trump oo sheegay inuu ka dhabeeyey in badan oo ballankii uu qaaday ka mid ah

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ka hadlayey isku soo bax loogu dabaal degayey boqolkii maalmood ee ugu horeeey ee uu xilka hayey, ayaa si kulul u dhaliilay warbaahinta.

Wuxu taageerayaashiisa oo uu kula hadlay Pennsylvania u sheegay in uu ka dhabeeyay qaar badan oo ka mid ah “ballan qaadyadii uu galay” isla markaana wuxu ku gacan saydhay dhaliilaha loo soo jeediyo oo uu ku sheegay “war been ah” oo ay tebiyaan warfidiyeen aan “waaqica la haysani”.

Trump wuxu go’aansaday in uu baajiyo xaflad casho ah oo loo sameeyo suxufiyiinta wararka ka tebiya Aqalka Cad, waxaanu sidaa ku noqonayaa madaxweynihii u horeeyey ee talaabadaa qaada tan iyo markii Ronald Reagan la dhaawacay sannadkii 1981 ka dib.

Mar ka sii horraysay isku soo baxan uu ka qayb galay, ayaa waxa la qabtay isku soo baxyo kale oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha Trump ee ku aadan is bedelka cimilada.

Trump oo is bedelka cimilada ka hadlaya ayaa wuxu sheegay in “go’aan weyn” la qaadan doono labada todobaad ee soo socda.

Hase yeeshee dadka diidan siyaasadihiisa ku aadan is bedelka cimilada ayaa sheegay in ay doodda ku saabsan is bedelka cimilada ka dhigi doonaa ajandaha ugu horeeya ee lagu gorfayn doono doorashooyinka baarlamanka iyo Senate-ka ee dhici doona sannadka dambe,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka