Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay labo nin oo dhallinyaro ah

Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay labo nin oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay kufis iyo dil la sheegay in uu ka dhacay magaalda Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dhallinyaradaan ayaa lagu eedeeyay in ay kufsi u gaysteen gabar ku nooleyd magaalda Beledweyne iyo in midkood uu dil u geystay wiil ay walaalo ahaayeen gabadha la kufsaday.

Wiilashan ayaa dilkoodu waxa uu oo ka dhacay meel fagaare ah oo ku taala deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah wiilashaasi oo la oran jiray Axmed Ibrahim Raagow oo 29 jir ahaa ayaa lagu dilay dhagax kaddib markii maxkamadda Al-Shabaab ay sheegtay in lagu helay kufsi iyo dilka wiil la dhashay gabadha uu kufsaday , isaga oo horey guur u soo maray.

Sidoo kale waxay maxkamaddu dil toogasho ah ku fulisay Yuusuf Cali Bajiin oo 22 jir ah oo lagu helay danbi ah in uu wax ka kufsaday gabadhaasi, isla markaana uu ka tirsanaa ciidamada maamulka Beledweyne.

Inkastoo Yuusuf uusan soo marin guur horey, haddana maxkamaddu waxay sheegtay in aan la karbaasheynin balse toogasho lagu dilayo, maadaama Al-Shabaabku ay u yaqaanaan ciidanka maamulada dawladda ka tirsan kuwa ka baxay diinta Islaamka.