Sawiro:-Deked yar oo ay isticmaali doonaan doonyaha yar yar oo laga hirgaliyay Jasiirada Jawaay ee jubaland

Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe Maxamed Ibraamim Fanax ayaa xariga ka jaray Dekad yar oo ay Doonyaha qaada rakaabka ee Degmada Jawaay ay isticmaali doonaan .
 
Dekadaan yar ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday dadka deggen jasiirada jawaay,waxayna kaga gudbi doonaan dhibaatoyinkii ay ku qabeen dadka deggen jasirada jawaay deked la’aantii mudada dheer soo haysay.
 
 Munaasabad xarigga looga jarayo Dekadan yar ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubaland ee (JCCI) Mudane Shaafi Raabi Kaahin. iyo qaar ka mid ah xildhibaanada jubaland ee ka soo jeeda kjasiirada Jawaay.
 
Munasabadan ayaa ahayd mid si heer sare loo soo agaasimayo oo goota ay kadhaceysay lagu xardhay calanka Dowlad Jubaland ee somaliyed.