Video:-Jarmalka oo soomaaliya ugu yaboohay 70-milyan oo Euro

Magaalada Muqdisho waxa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel.

Gabriel waxa uu kulamo kula qaatay garoonka diyaaradaha ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wadahadal dhex maray.

Wadahadalka dhex maray labada dhinaca ayaa diirada lagu saaray arrimaha dib u dhiska, abaaraha, iyo shirka loo ballansan yahay ee magaalada London.

Dhanka abaaraha, ayaa wasiirka arrimaha Jarmalka waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ku yaboohday 70 milyan oo Euro oo wax looga qabanayo abaaraha ba’an ee ka jira dalka, ayna diyaar u tahay in ay labo laabto.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday shirka London oo Sigmar Gabriel uu sheegay in uu u yimid Muqdisho qaban-qaabadiisa, waxa uuna caalamka ugu baaqay in Soomaaliya aan loo arag dal hayadaha caalamka uun ku tiirsan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa sheegay in wadahadalka dhex maray isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka uu ahaa miro dhal,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka