Video:-Madaxweyne Farmaajo”Majirto wax dhimis ah oo lagu samaynayo ciidanka Qaranka”

Maxamed C/llaahi Maxamed Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay xaflad lagu soo Xeraayay Kalfadhigii 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada usheegay in ay been iyo waxbo kama jiraan ay tahay hadalka maalmahan ay wadaan qaar ka mid ah siyaasiinta iyo xildhibaanada Soomaaliya ee ahaa in la yareenayo tirada Ciidamada Soomaaliya.
 
Madaxweynaha Farmaajo ayaa sheegay in tirada Ciidamada Xoogga ay noqon doonaan ugu yaraan 18,000 oo askari laguna Cabiray Dhaqaalaha iyo awoodda Dowladda balse tirada intaasi laga badan karo hadii uu dhaqaalaha iyo awoodda Dowladda is badasho.
 
Farmaajo ayaa sheegay in ay niyadiisa ka guuxeyso sidii dalka u yeelan lahaa Ciidan Awood leh Balse ay jiraan daruufo badan oo ay ugu horeyso Midda dhaqaalaha markii ay xaaladda is badashana tirada laga badin doono,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo