Video:-Ra’isalwasaare Khayre oo maanta kulan dhiirgalin ah la qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka fadaraalka

Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.
 
“Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray.
 
“qaranimadu maahan wax laysa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto anagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan in aad mudan tihiin.” Ayuu yiri asagoo dareensiinayay ciidanka hawsha baaxada weyn oo hortaala,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka