Video:-Shil Gawaari oo sababay geerida dad badan oo ka dhacay duleedka garowe

Isku dhaca labadaas gaari ayaa sababay dhimashada 4 qof oo dhammaantood rag ahaa, halka dhawaacu uu gaarayo 6 qof.

Dadka dhintay ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayeen gaari yar oo nooca Dhaynaha Somalidu u taqaano kaasoo la sheegay inuu ka baxay magaalada Garowe.

Dad ka agdhawaa goobta ayaa u gurmaday dadka waxyeelladu kasoo gaartay gaarigaas, waxaana Baabuur Ambalas ah oo goobta marayay la saaray dhaawacyadii, halka dadweynuhu awood u yeelan wayeen inay goobta ka saaraan 4 qof oo mayd ah kuwaasoo markii dambe loo adeegsaday Wiish.

waxaa goobta soo gaaray mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Garowe ee caasimadda Puntland,

Ciidamada ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada aya goobta soo gaaray, waxayna baaritaan ku sameeyeen qaabka baabuurtu isugu dhacday iyo waliba gaariga khaladka lahaa, waloow natiijada aan loo soo gudbin warbaahinta.

Taliyaha Ciidamada Waddooyinka Puntland ee Kornayl Axmed Cabdi Cali ayaa sheegay in shilkii saaka ka dhacay duleedka Bari ee caasumadda Garowe, ay dhinteen 4 qof, dhaawacana uu gaarayo 4 qof.

Wuxuu intaas ku daray inaysan natiijada iminka shaacin karin sababtoo ah dhimasho ayuu sheegay inuu shilka sababay, isagoo intaas ku daray inay waqti kale ku noqon doonaan maadaama meesha buuq ka jiray.

Shilka ayaa kusoo aaday xilli Xalay roob badan uu ka da’ay magaalada Garowe iyo Nawaaxigeeda, waxaana Booyaduhu dadaal ugu jiraan sidii ay biyo xareed ah u keeni lahaayeen magaalada oo in muddo ah abaarsanayd,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka