Dagaal xoog leh oo ku dhexmaray ciidamada dawlada fadaraalka iyo Alshabaab Shabeelada hoose

Dadka ku nool Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka No: 50 ayaa ku soo waramaya in ay saakay arkeyn meydadka dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay dagaalka Xalay ka dhacay deegaankaasi.
 
Cabdullahi Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha deegaanka No.50 ayaa sheegay in AlShabaab ay afar jiho kasoo weerareen deegaankaas laakiin ay iska difaaceen.
 
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in isku dar dagaaladii labadii habeen ee lasoo dhaafay ka dhacay No.50 ay ku dhinteen labo carur ah halka haween badan ay ku dhaawacmeen.
 
Ugu yaraan 6 qof oo meyd ah ayaa saakay lagu arkay goobihii lagu dagaalamay waxaana dadka deegaanka ay ku sheegeyn in ay meydadkaasi ka tagayn Al-Shabaab kana mid ahaayeen kooxdii xalay weerarka ku soo qaaday Tuulooyin hoos yimaada Degmada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose Sida No: 50, Ceel-wareegow iyo Meelo kale.
 
Ilo wareedyo madax banaan,ayaa iyaguna sheegaya inuu jiro khasaaro aad uxoogan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, dagaalka ayaana si iskiis ah ujoogsaday xalay kadib markii uu mudo saacado ah soconayay.