Video:-Daawo wasiirkii Hawlaha guud ee Fadadaraalka oo la dilay iyo taariikh nololeedkiisii

Wasiirkii Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabaas Sheekh C/laahi Siraaji ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka Wasiirkii howlaha guud waxaa xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Eng C/raxmaan Cusmaar “Yariisoow” oo isagu shaaciyey in baaritaan lagu hayo kooxihii falkan dilka ah ka dambeeyey kuwaasi oo ay hay’adaha ammaanku gacanta ku hayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay si rasmi ah war faah faahsan uga soo saarto dilka Wasiirka iyo sida uu u dhacay.

Marxuum Cabaas Sheekh C/laahi Siraaji ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyey Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Wasiirka oo ahaa wasiirka ugu da’da yaraa wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa xilka la wareegay 3dii April 2017-ka, waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii Degamada Afmadow, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Halkaasi oo uu kusoo Koray  islamarkaana uga baxay dugsi sare.

Shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, Xukuumadda Xasan Khayre ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, maanta ayaa lagu dilay Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka