Video:-Dagaal ooge Cadaado lagu doortay iyo Durba dhimasho Gaalkacyo ka dhacday

Mid ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ayaa noqday madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee cadaado.

 Doorashada Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,ayaa Saaka ka bilaabatay Magaalada Cadaado.
 
Waxaa doorashadaa ka qaybgalay sadex musharax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Cabdulqaadir Maxamed Shirwac iyo sidoo kale Axmed Cali Hilowle.
 
Doorashada oo wareegii koowaad uu ku haray cabduqaadir Shariif ayaa loo gudbay wareegii,kaasoo ay usoo gudbeen labada Musharax ee kala ah Xaaf iyo Axmed Shariif .
 
Ugu danabyntii waxaa tartankii doorashada ee wareega labaad ay kala heleen 24 cod oo ah Axmed Shariif iyo 57 Xaaf ah.,waxaana sidaa ku noqday Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee cadaado Axmed Geelle Xaaf.
 
Axmed Geelle Ducaale ”Xaaf” ayaa ahaa dagaal oogayaashii Muqdisho mid ka mid ah.doorashadiisuna waxay meesha ka saaraysaa rajadii laga qabay in Gobolkaasi uu helo hogaan wanaagsan oo ka gudbiya xaaladaha adag ee la dagay,sidoo kalena la yimaada aragti ay kula noolaan karaan Somalida kale ee dariska la ah.
 
Dad badan oo Somaliyed ayaa niyad jab weyn ka muujiyay doorashada Xaaf waxayna u arkaan in cadaado dib ugu laabatay xiligii moorayaamaynta iyo hogaamiye kooxeedyada.
 
Dhanka kale durba doorashadiisu waxay sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo khalkhal amaan.
 
Rasaas iyo madaafiic loogu dabaaldegayey guusha doorashada Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta laga riday koonfurta magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan hoos taga Cadaado.
 
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah hubkaasi dabaaldega loo ridayey uu khasaare nafeed ka geystay labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo.
 
Ugu yaraan afar ruux oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhaawacmay madfac ku dhacay xaafado ka tirsan woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
 
Sidoo kale, qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Baraxley.
 
Qaar ka mid ah shacabka magaalada ayaa khal khal xoogan ku dhacay,waxayna uqaateen in markale dagaal ka qarxay magaalada Gaalkacyo ,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka