Video:-Garoonka diyaaradaha garowe oo heer gabagaba ah maraya iyo masuuliyiin kormeeray maanta

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi xirsi Cali qarjab ,Agaasimaah Hya’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland ,Guddoomiyaha Gobalka Nugaal iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe ayaa kormer iyo u kuurgalid ku sameeyay halka uu marayo dhismaah Garoonka iyo baahiyaha dhanka qalabka socdaalka ah ee Garoonku u baahan yahay sida uu sheegayo Agasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada Puntland Maxamed Faarax Ashkir.

 Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar C/laahi Farwayne waxa uu sheagay in kormeerkoodu ahaa sidii loo dhammaystiri lahaa baahiyaha garoonka ee dhanka socdaalka siina raaciyay in garoowe yeelanayso Garoon calami ah oo soomali kawada dhaxeya kuna baaqay maalgashi.

Wasiirka amniga Puntland C/xirsi Cali Qarjab ayaa xusay in wadanku yeeshay Garooma iyo jidad kala duwan oo qayb ka ah kaabayaasha dhaqaale ee dalka kuna baaqay in laga wada shaqeeyo nabadgalyada iyo Horumarka dalka.

Bilaha soosocda waxaa lagu wada in la dhammaystiro dhismaha Garoonka diyaaradaha Garoowe oo socday mudo sanad kor u dhaafaysa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka