”Farmaajo ma noqon doonaa siyaasi shacabkiisa ka aragti dheer?

Madaxweyne Farmaajo si burhaan leh ayaa loogu soo dhaweeyay caasimada itoobiya ee Adis-ababa.

Hogaamiyayaasha Itoobiyada maanta waxay muujiyeen in ay aqbalsan yihiin Qaranimada Somaliya,isla markaana waxii xarig jiid siyaasadeed ah ay ka dhacaan miiska hoostiisa.

itoobiya waxay muujisay soo dhaweyn qaran iyo qadarin qaranimo somaliyed,sidoo kale waxay soo bandhigtay midnimada iyo wada lahaanshaha dawladnimada itoobiyada maanta ee guud ahaan Qawmiyadaha dalkaas.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo kooxaha fanka ee Somalida itoobiya waxay qayb ka ahaayeen itoobiyada soo dhawaysay madaxweyne Farmaajo.

Waa fariin ku socota farmaajo iyo somalida oo idil,si gaar ah kuwa wali ay maskaxdooda ay ka dhex guuxayso shantii somaliya ama in dhulka somalida itoobiya uu yahay dhul ay itoobiya xoog ku haysato oo ay tahay in wakhtigay rabto ha noqotee dib loosoo celiyo.

Hadaba Madaxweyne farmaajo maxaa la gudboon!!

Madaxweyne farmaajo dhan markii laga eego waxuu u muujiyay ama muujiyay in uusan ahayn siyaasi itoobiya ku xiran oo ay taladiisa miisaan ku leedahay,sidoo kale waxuu taageerayaashiisa u badan dadka ka fog itoobiya tusay in uu yahay ninkii ay doorteen.

Dhanka kale waxuu muujiyay in uu yahay hogaamiye somaliyed oo ogol in ay itoobiya kuwada noolaadaan daris wanaag iyo is qadarin ka shaqayn danaha guud ee mideeya labada dal,isla markaana ka dhabaynaya hadalkisii ku aadana dawladaha dariska ah xiligii doorashada.

Farmaajo waxaa looga fadhiyaa in uu la yimaado laba arimood,kuuwaasoo kala ah:-

A.In uu iska ilaaliyo in ay itoobiyada xariifka ku noqotay dhexgalka siyaasada somaliya ay jeebka ku ridato.

B.In uu la yimaado aragti waaqiciga wajahaysa oo wada shaqayneed,isagoo ka fogaanaya wax alaale iyo waxii colaad iyo kala fogaanshe cusub abuuri kara.

Madaxweyne Farmaajo waa in uu niyada ku hayaa oo uusan si ilawsiin in uu yahay madaxweyne ka taliya xaafado xamar ka mid ah oo waliba wasiiradiisa lagu hortoogto irida madaxtooyadiisa.sidoo kale aysan si toos ah u hoos imaan dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka.

Farmaajo waxaa kaloo muhiim ah in uu la socdo waaqiciga somalida itoobiya ee maanta leh maamul hoosaad,isla markaana ku naaloonaya horumar la taaban karo waxna la qaybsaday itoobiyada kale.

Madaxweyne farmaajo waxaa laga rabaa in uu muujiyo in uu yahay siyaasi shacabkiisa ka aragti dheer kana xog ogaalsan.

Shacabka somaliyed maxaa la gudboon!!

Waxaa laga rabaa bulshada somaliyed in ay fahmaan waaqicigii hore ee geeska africa ka jiray in laga gudbay ,isla markaana ay khasab tahay in ay aqbalaan waaqiciga maanta ee oranaya itoobiya oo fadaraal ah somaliduna qayb ka tahay in lala wadaago darsinimo iyo wada shaqayn meeshana ay ka baxdo colaadii iyo cuqdadihii hore.

Waa dhab lamana dafiri karo in labada shacab ee Somaliya iyo itoobiya cuqdad fogaatay ay dhextaal aadna ukala fog yihiin,balse waxaa khasab ah in ay shacabka somaliyed aqbalaan waaqiciga maanta,isla markaana ka guuraan aragtidoodii hore.

Jibril Qoobey.