Jubaland oo Tacsi ka dirtay geerida wasiir Siraaji fariina udirtay dawlada fadaraalka

Maamulka Jubbaland, ayaa waxa ay ka dalbadeen dowladda Federalka Somaliya in si adag loo baaro dilkii xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii hawlaha Guud ee Xukuumadda Somaliya Cabaas Sheekh Siraaji.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Maamulka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in dowladda laga doonaayo baaritaan baahsan arintaasi ay ku sameyso si loo helo dambiilayaasha falkaasi ka dambeeyay.

Wasiir Siraaji oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federalka Somaliya ayaa laga soo doortay deeganada Jubbaland, isaga oo doorashadii Xildhibaanimada kaga adkaaday Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Beekos.

“Dowlada Jubbaland waxay ku boorinaysaa dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Federaalka ah Somaliya in baaritaan baahsan lagu sameeyo qaabka ay wax u dheceen.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Jubbaland.

Dowladda Somaliya ayaa laga doonayaa inay jawaab cad ka bixiso dilka loo gaystay Wasiir Siraaji oo ahaa nin dhalinyaro ah, sidoo kale Xeryaha Qaxootiga dhadhaab ku soo koray.

Maanta ayaa lagu wadaa Wasiirka xalay la dilay in aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho, waxaana aaskaasi ka qayb galaya madaxda dowladda Federalka Somaliya