Video:-Daawo sida maamuuska lahayd ee loo aasay wasiir Siraaji rabi ha unaxariistee

Allaha Unaxariistee waxaa gelinkii dambe ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu Aasy Wasiirkii Holwaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo xalay fiidkii Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, isaga oo wata Gaarigiisa.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyg galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile), Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibbadiisa, iyo xubno kale,hoos ka daawo muuqalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka