Askari maraykan ah oo lagu dilay gudaha somaliya

Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamadooda khaaska ah lagu dilay gudaha Soomaaliya, labo kalena lagu dhaawacay xilli uu socday hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
 
Warbixin laga soo saaray taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in askarigani uu ku dhintay meel qiyaastii 60 KM dhanka galbeed ka xiga magaalda Muqdisho.
 
Warbixintu waxaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay caawinayeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo hawlgal fulinayay.
 
Bishii la soo dhaafay ayaa tiro ciidamo ah oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya si ay u tababaraan isla markaana u qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa midowga AFrika.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.