Madaxweyne Axmed madoobe oo shahaado sharaf lagu siiyay hogaamintiisa saraysa

Kismaayo, Jubbaland -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa ka gudoomay shahaado Sharaf la taliyaha idman ee Arimaha Siyaasada Mudane Maxamed Cabdi Nuur oo ay soo wakiisheena Jaaliyada Jubbaland ee wadanka Denmark oo shahaado sharaftan u gartay Madaxweynaha.
 
Jaaliyadu waxay Madaxweynaha Shahaado Sharaftan ugu garteen Dadaalkiisa la xiriira hananka dhismaha Maamulka suuban iyo haykalka Dowladnimo ee uu ka hirgaliyay Jubbaland, amaanka iyo kala danbaynta deeganada xorta ah, doorkii wanaagsanaa ee uu ka ciyaaray wakhtigii kala guurka Siyaasada Soomaaliya, iyo dhismaha iyo kor u qaadista kaabayaasha shaqaalaha ee deeganka.
 
Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlada Jubbaland waxaa uu ku amaanay Jaaliyada deegaanka sida hagar la’aanta ah, ee ay uga qayb qaadanayaan dhismaha dalka.
 
Waxaa uu balan qaaday in Qurba joogta deegaanka gacmo furan lagu soo dhawaynayo isla markaana laga doonayo in dalkooda ay maalgashtaan.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.