Video:-Hanti dhawraha qaranka oo iska diiday xilka qaadistii golaha wasiiradu ku sameeyeen

Hanti Dhowraha Guud ee Soomaaliya, Dr Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadis ay xalay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xil ka qaadista ayaa daba socotay dilkii habeenkii Arbacada Muqdisho loogu gaystay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya, marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, kaas oo la sheegay inay dileen ilaalada Hanti Dhowraha Guud.

“Habka Golaha Wasiirada u mareen xil ka qaadista waa mid sharci darro ah, xil igama qaadi karaan, baarlamaanka ayaa iga qaadi kara”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax.

Gabagabadii, wuxuu sheegay in  dastuurka uu kala saari doono isaga iyo golaha Wasiiradda ee xilka ka qaaday , islamarkaana ayan jirin cid sharci ka weyn.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka