Video:-Rw itoobiya”Madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya ma faragelineyno”

Sida laga arkay muuqaal lagu baahiyay barta intarneedka ee madaxtooyada Soomaaliya, ra’iisalwasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaayeen horumarka dhaqaale ee labada waddan iyo in wax laga qabto arrinta abaaraha oo uu sheegay in dhibaatada ugu xoogan ay haysato Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuse sheegay inay Itoobiya u sheegeen in loo baahan yahay ‘in aan horumarintaasi aanay noqon mid wiiqi karta Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka’.

Ra’iisal Wasaaraha itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Dowladdiisa ay arrimaha siyaasadda dibadda ee Soomaaliya ay si toos ah ugala xiriiri doonto dowaldda federaalka.

Dowladda Itoobiya ayaa qeyb ka ah dalalka ku tabarucay ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM. Tan iyo sanadkii la soo dhaafay Itoobiya waxay ciidammadooda baneeyeen goobo muhiim ah oo qaarkood ay la wareegeen kooxda Alshabaab.

Waxaa u dambeysay oo ay ka baxeen bishii la soo dhaafay Ceelbuur ee gobolka Galmgaduud oo ay gacanta ku hayeen muddo 3 sano ka badan.

Waxay sidoo kale horay u baneeyeen oo ay Shabaabku la wareegeen Halgan, Ceel Cali, Moqokori,Rabdhuure, Buur dhuxunle, iyo Garasweyne iyo deegaanno kale.

Itoobiya waxay sheegtay in ciidammada ay la baxday aysan qeyb ka ahayn AMISOM, mana cadda qorshaha ay markii horaba ku joogeen,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka