Video:-Trump”Obama care waa ku daayay”

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in sharciga meesha looga saarayo barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare uu meelmarin doono Senate-ka dalkaasi, kaddib markii uu qodob sharciyeedkaasi si dirqi ah ku meelmariyay Aqalka Wakiilada.

Mr Trump ayaa hadlayay kaddib markii uu u dabaaldegay guusha uu ka gaaray codbixinta.

Jamhuuriyiinta ayaa Senate-ka ku leh aqlabiyad aan sidaa u buurnayn, oo waxaa ka mid ah Senaterro doonaya in wax badan laga badelo sharcigan cusub ee la soo jeediyay.

Codadka lagu mariyay hindisahan ayaa ahaa afar cod oo keliya, ayadoo ay u codeeyeen 217 halka ay diideen 213, waana guushii ugu horaysay ee uu Trump ka gaaray mid ka mid ah ballaanqaadayadiisii ololaha doorashada.

Xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in hindisahan cusub ee loo bixiyay Xeerka Daryeelka Caafimaadka Maraykanka, uu caymiska ka qaadi doono malaayiin qof oo Maraykankan ah.

Dib baxayaal diiddan go’aanka lagu ansixiyay hindisaha ayaa mudaharaad ka dhigay afaafka hore ee xarunta Capitol Hill, waxaana ay ku qeylinayeen “ceeb ha idinku dhacdo.”

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu meesha ka baxayo barnaamijka Obamacare, oo uu ku tilmaamay mid ay shacabka rafaad badan ku qabeen.

Hindisahan oo horay loo diiday, ayaa waxaa lagu sameeyay dib u eegis dhowr goor ah, si loo qanciyo qeybaha uu ka kooban yahay xisbiga Jamhuuriga.

Xisbigaasi ayaa u arka in barnaamijka caafimaadka ee Obamacare uu kharash badan yahay, isla markaana aanu khiyaar badan siineyn bukaanka.

                                                                                                     Halkan ka daawo muuqaalka