Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta u anba baxay dalka ingiriiska

Kismaayo, Jubbaland_Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam,ayaa maanta si rasmi ah ugu amba baxay Shirka London ee kaalmada loogu yaboohayo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sii mari doona Magaalada Nayrobi oo uu maalmo kadib uga sii gudbi doono London oo 11 bishan uu si rasmi ah shirku uga furmayo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay ahmiyada koobad siinayso nabadgalyada oo ah waxa ugu badan ee maanta Soomaalidu ay u baahan tahay si gaar ahna Jubbaland ay dhawaan gali doonto hawlgalo saf balaadhan ah oo Al-Shabaab gobolka lagaga xorayn doono.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Soomaalida looga baahan yahay isku tashi iyo wada jir si hawlagaha socda ay u guulaystaan. Bulshada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in Madaxdooda ay aaminan oo ay ku kalsoonadaan taas oo wanaagu uu ku jiro.