Maskaxdu Waa Muruq U Baahan In Lakala Jiido, W/Q Abdirisak Ahmed Gelinbacayn.

Oraahdan waxan weydiiyey in badan oo dadka kamid ah, badidood waa ay igu waafaqeen, hase ahaatee qaar kamid ah waxa ay iigu warceliyeen “The brain is not a muscle. It is an organ” maskaxdu ma ahan muruq waxa weeye xubin/unug. Dabcan oraahdani waa sax, maskaxduna waa xubin (Organ) hase yeeshee waxa ay bahwadaag latahy murqaha dhanka jimicsaiga, tababarka, awood dhiska IWM.

Kasoo qaad in aad igu waafaqsan tahay in maskaxdu muruq tahay, see baad ugu jimcin kartaa maskaxdaada waa su’aal meesha soo gashaye, si aad u heshid jawaadbta su’aashan raac ama samay Saddexdan Xirfadood:

  1. Awoodkar (Agility)
  2. Hal-abuur (Creativity)
  3. Xasuus (Memory)

Mid mid aan u sharaxno;

  1. Awoodkar (agility): waa maskax fayow oo ku jirta jir fayow, joogtaynta aad joogtaysid jimicsiga jireed waxa loo badinayaa in aad qodobkaan aad buuxisay boqolkiiba lixdan (60%), habse ahaatee waxa iyana haboon in aad u dhug lahaato qodobadan soo socda si ay kuugu buuxsanto boqolkiiba boqol (100%).
  • Baro xirfad cusub (Learn a new skill)
  • Kabaaran deg saa’id ah (Meditate)
  • Qoraal samayn joogto ah (Daily writing)
  1. Hal-abuur (Creativity): Hal-abuurku waa wado aysan cid kale hortaa u qaadin, hal-abuurku waxa uu noqon karaa mid hibo ilaahiya ah (Talent), iyo mid qofku abuuran karo (Cultivated).

Si aad u abuuratid sifada hal abuurnimada waxa kugu waajib ah in aad raacdid shuruudahan:

A. Laylin hal-abuureed (Creativity exercises): waxana isku deyeynaa 2 qaab si aynu u horumarino hal-abuurkeena:

  • Samay tax (Make lists): tusaale ahaan waxad taxdaa 10 fikradood maalin walba, tobankaas fikradood mid mid u falanqay, waxadna isku daydaa sidii aad mid kasta u kobcin lahayd hal-abuurna aad uga samayn lahayd, tani waxa ay kuu fududaynaysaaa in maalinba maalinta ka dambaysa aad isbedel lataaban karo ka gun gaartid.

 

  • Xujjooyin xissi ah (Logical puzzles): xujjooyinka ku dhisan logic-ka ama xissiga sida (Halxiraale, googaalaysi, xujo xisaabeed iwm.) waxay kaa saacidaysaa in aad ku dul fekertid maskaxdiina ay shaqayso deetona koboc samayso maalinba maalinta ka dambaysa.

B. Akhris samayn (Read books): waxad badisaa akhrinta buugta sida buugaata ka hadasha sayntifiga, horumarinta aadanaha, guulaystayaasha iyo wixii kaloo la hal maala, ugu yaarana waxad isku daydaa in aad bishiiba hal buug oo keliya aad akhrisid sandkii waa 12 buug waa hubaal in hal-abuurnimadaadu samayn weyn yeelan doonto.

 

  1. Xasuus (Memory): qaadashada hurdo kugu filan, jimicsi joogto ah, laab xaarnida, farxada intuba waxay kaabe u yihiin xasuusta, sidoo kale waxa saacid kara xasuusta labadan qodob:
  • Dib u eegista kaydka xasuusaha (Take a note and review them)
  • Barashada luqad cusub (Learn a new language)

Gunaanad:

Qaadashada hurdo wacan, jimicsi jireed samayn, barashada xirfad cusub, wax qoris, wax akhrin, isticmaalka halxiraalayaal intuba waa xoojiyaal, kaabayaal caawiyayaal maskaxeed. Waxan rajaynayaa in maqaalkani aad uga gaaban yahay inta aan idiinku soo talagalay markaygii hore.

MAHADSANIDIIN


W/Q Abdirisak Ahmed Gelinbacayn

Email: Gelinbacayn79@gmail.com

BOSASO, BARI, SOMALIA